Wasiirka Wasaaradda Haweenka Iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS Maanta U Furtay Tababar Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaarada

Tuesday February 08, 2022 - 14:15:39
0 Comments
377
MUQDISHO

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS xildhibaan, Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa maanta u furtay tababar agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha haweenka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.


Tababarka ayaa ku saabsan soo bandhigista waxyaabaha hor tebinta u leh barnaamijka Haweenka iyo nabadda ee ay wasaaradda Haweenka dowladda federaalka waddo.


Wasiir Xaniifa, oo ka hadlaysay furitaanka tababarka ayaa sheegtay in ay rajo weyn ka qabto in gunaanadka tababarka ay ka soo bixi doonaan warbixinno wax weyn ka tari doona habsami u socodka barnaamijka Haweenka iyo nabadda.


Tababarkan oo labo maalin socon doona ayaa waxaa ka horeeyay mid ay yeesheen guddiga farsamada barnaamijka Haweenka iyo nabadda.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment