R/Wasaararaha XFS Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Cusub Ee Dalka Mareykanka U Joogi Doona Soomaaliya

Saturday February 12, 2022 - 21:14:37
0 Comments
364
MUQDISHO

R/Wasaararaha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal.


Sidoo kale safiirka iyo R/wasaaraha ayaa isla soo qaaday dhammeystirka doorashooyinka dalka iyo Arimaha Amniga.


Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo hadal qaaday la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment