Alle ha U Naxariistee Mid Kamid Ah Abwaanada Soomaaliyeed Oo Ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Sunday February 13, 2022 - 14:54:51
0 Comments
523
Muqdisho

Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaarey (Jiir) ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho oo uu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa.


Geerida marxuumka waxaa ka tacsiyeeyay bahda warfaafinta qaranka soomaaliyeed sida Wasiirka,wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, iyagoo Alle uga baryay inuu jana fardoowso ka waraabiyo.


Cabdikariin Faarax Qaarey, oo ku magac dheeraa Jiir,sidoo kale, waxaa uu kamid ahaa mulaxamiistayaasha Soomaaliyeed., wuxuuna lafdhabar u ahaa bahda fanka.


Alle ha u naxariistee, Abwaan Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir wuxuu sannadkii 1943-dii ku dhashay magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment