Afar-Ruux Ayaa Ku Geeriyooday Qarax La La Beegsaday Mooto Bajaaj Iyo Ciidanka Police-ka Magaalada Jowhar Oo Faah-faahin Ka Bixiyay

Monday February 14, 2022 - 14:41:13
0 Comments
379
JOWHAR

4-rag oo isku ehel ah ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyooday bajaaj qarax miino kadib duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta Hir-Shabeelle.


Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu Aaso sida ay warbaahinta u sheegeen dad halkaasi ku sugnaa.


Dadka dhintay oo dhamaantood rag ahaa ayaa waxaa kujiray darawalkii Mooto Bajaajta, iyadoo mashaqadaasi ay ka dhacaday degaanka Xaanshooley oo u dhaxeeya Garoonka diyaaradaha & magaalada Jowhar qiyaas ahaan u jirta Magaalada Jowhar 6-KM.


Arintaasi ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada police-ka Magaalada Jowhar Bashiir Xasan Xalafooy ayaa ka tacsiyadeeyay dadka ku geeriyooday qaraxaas oo ku wajahnaa deg/ Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Hoose.


Taliyaha ku eedeeyay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay in aysan kala saraynin Shacab iyo dowlad intaba, isagoo Shacabka ugu baaqay inay hay’adaha Amniga la soo wadaagaan hadii ay arkaan falal lidi ku ah Amniga.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment