Qarax Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maanta Ka Dhacay Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Saturday February 19, 2022 - 16:36:51
0 Comments
345
BALADWEYNE

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa maanta isku dhax qarxiyay maqaayad lagu magacaabo Xasan Dhiif oo kutaala meel ku dhaw xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.


Sida la xaqiijiyay ruux ismiidaamiyay ayaa beegsaday maqaayada waxaana xilliga uu qaraxu dhacayay maqaayadu aheyd mid aad u mashquul badan.


Dadka qaraxa ku dhintay ayaa la sheegay in ay ku dhaw yihiin 10- qof, iyadoon ay ku dhaawacmeen dad intaas ka badan kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagu daweeynayo magaalada Baledweyne.


Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in dadka qaraxa ku dhintay uu ku jiro musharax xildhibaan oo u sharaxnaa kursiga tirsigiisu ahaa HOP#03 magaciisuna ahaa Maxamed Cabdullaahi Nuur.


Qaraxa kadib waxaa warbaahinta la hadlay taliye kuxigeenka saldhiga baladweyne laba xidigle bashiir cadaan Axmed, isagoo sheegay in dhimashadu ay gareeyso 13-ruux halka dhaawacuna uu gaarayo 14-qof.


Meeraysane.com

 

Related Items


Leave a comment