Doorashada Shan Kamid Ah Kuraasta Barlamaanka11-aad Oo Maanta Ka Dhacday Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Jubbaland

Tuesday February 22, 2022 - 14:13:36
0 Comments
311
KISMAAYO

Doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa lagu doortay 5-xildhibaan oo kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

1-Kursiga tirsigiisu yahay HOP#072 waxaa ku guuleestay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo horey ugu fadhiyay, isagoo helay 75-cod halka musharaxii la tartamayay uu isna helay 18-cod.

2-kursiga tirsigiisu yahay HOP#130 ku guuleestay Mowliid Cabdi Maxamuud oo qaab gacan taag ah loogu codeeyay ,kaddib markii doorashada uu ka tanaasushay musharaxii la tartameysay Haboon Axmed Tifow.

3-Kursiga tirsigiisu ahaa HOP#079 waxaa ku guuleestay Maxamuud Muxumed Cumar oo helay 74-cod, halka musharaxii la tartamayay Bashiir Nuur Xuseen uu isna helay 21 cod.

 

4-kursiga tirsigiisu ahaa HOP#112 waxaa ku guuleestay Cabdiqaadir Maxamed Waceys oo gacan taag loogu codeeyay, waxaana kursigan doorashadiisa ka tanaasulay musharaxii la tartamayay Daa’uud Cusmaan Cali.

5-Kursiga kursiga tirsigiisu yahay HOP#136 waxaa ku guuleestay Cumar Yuusuf Qalaadiid oo helay 82-cod halka musharaxa kursiga kula tartamay isna waxaa uu helay 17-cod.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment