R/Wasaaraha XFS Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Guddiyada Doorashooyinka SEIT Ee Somaliland

Thursday February 24, 2022 - 15:29:47
0 Comments
414
MUQDISHO

R/Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay xubnaha guddiyada doorashooyinka SEIT Somaliland iyo kan heer Federaal ee FEIT, guddiga xallinta khilaafaadka iyo saraakiisha amniga.


Xubnaha la guddoonsiiayay shahaadooyinka ayuu sheegay Ra’iisulwasaaruhu inay ku muteysteen howshii hagar la’aaneed ee ay ka qabteen hirgelinta doorashada xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matalaya gobollada waqooyi ee Somaliland.


Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matalaya gobollada waqooyi inay muujiyaan isku duubni, lana yimaaddaan hal fakar maaddaama buu yiri ay leeyihiin miisaanka ugu culus ee xubnaha baarlamaanka dalka Soomaaliya.


Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa ugu dambayn u mahad celiyay ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed iyo guddoomiye Cabdi Xaashi doorkii firfircoonaa ee ay ku lahaayeen dhaqaajinta doorashooyinka iyo ka mira dhalintooda.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment