Haya'dda Qatar Charity Oo Munaasabad Lagu Dhiirigaliayo Araday Soomaaliyeed Ku Qabtay Muqdisho

Friday February 25, 2022 - 14:57:31
0 Comments
371
MUQDISHO

Haya’dda Qatar Charity oo ka shaqeysa samafalka iyo hormarinta ayaa Magaalada muqdisho ku qabtay munaasabad lagu dhiirigaliayo 186-Araday oo soo gaba-gabeeyay heerka kowaad ee waxbarashada.


Munaasabadan waxaa goob joog ka ahaa Safiirda Dowladaha Qatar iyo Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, wasiiro, xildhibaano, Gudoomiya Haya’dda Qatar Charity ee Somaliya, Gudoomiya Jaamacada Muqdisho, Xubno ka socda Bankiyada iyo Haya’daha gargaarka.


Munasabadan oo loogu talagalay sidii loo dhiirigalin lahaa ardayda ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Gudoomiyaha Haya’dda Qatar Charity ee Soomaliya C/nuur Haji Ali Mursal ,wuxuuna ka warbixiyay howlaha ay Haya’dda Qatar ka qabato Soomaaliya .


waxaa kale oo ka hadlay Wasiiru dowlaha wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Federalka Soomaliya Cabdi Axmed Qasim iyo Gudoomiya Jaamacada Muqdisho Dr. Ibrahim Mohamed Mursal.


Haya’dda Qatar Charity ayaa bilaawday 2008-dii , waxaa Soomaaliya ay ka fulisay mashaariic kala duwan oo iskugu jira dhinacayda Caafimaadka, waxabarshada, gaargaarka, biyaha, daryeelka agoonta, iyo shaqa abuurka.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment