R/Wasaaraha Oo Hambalyo U Diray Xildhibaannada La Doortay Ee Beelaha Banaadiriga

Friday February 25, 2022 - 22:18:39
0 Comments
399
MUQDISHO

R/Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, isagoona u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Waxaan u mahadcelinayaa guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Dhinaca kale waxaa soo baxaya eedaymo loo jeedinaayo Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta taas oo ku saabsan inuu faraha la galay Kuraasta beelaha banaadiriga si uu uga soo saaro xubno kasoo horjeeda madaxweyne farmaajo.

 Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment