Dowlada Federalka Oo Ka Qayb-Galaysa Shirka Wadamada Islaamka Ee Lagu Qabtay Dalka Sacuudiga

0
Wednesday October 13, 2021 - 13:23:34 in Wararka by Ahmed Rajaa
  • Visits: 9
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Federalka Oo Ka Qayb-Galaysa Shirka Wadamada Islaamka Ee Lagu Qabtay Dalka Sacuudiga

    JIDAH,SACUDIA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JIDAH,SACUDIA

Shirar is daba joog ah uga socday Xaruunta Dhexe ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee Magaalada Jidda Dalka Sacuudiga, Xubno kala duwan oo ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Iyadoo Dowalada Soomaaliya ay uga qeyb galay shirarkaasi Xoghayaha Koowaad ee Ergada Joogtada JFS u fadhiya Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Maxamuud Cumar Jowle.

Shirarkaas ayaa waxuu si rasmi ah u furmay 3dii Oktober 2021, kuwaasoo looga hadlay Ajendayaal kala duwan sida ay qortay wakaalada wararka somaaliya ee SONNA.


Haddaba, waxaa maalintii 1aad iyo 2aad looga hadlay sidii Dib-u Eegis iyo wax ka badal loogu sameyn lahaa Sharciga lagu dhaqo Shirka Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Xubnaha ka ah Ururka OIC.

Iyadoo sidoo kale, Maalintii 3aad looga hadlay Sharciga Wakiilada ay u soo magacoowdaan Wadamada annan xubnaha ka aheyn Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), halka shirka maalmaha 4aad iyo 5aad lagu lafa guray xeerka kooxda xiriirka wadamada Ururka Isk. Islaamka (OIC).

Dhamaan Qubaradii kasoo qeyb gashay shiraarkaasi waxaa ay halkaasi kasoo jeediyeen doodo iyo aragtiyo cilmiyeeysan taasoo waxtar weyn u yeelan karta taabagelinta siyaasada iyo Isteraajiyada xeerarkii ay qubarada uga hadleen kulamadooda.

Meeraysane.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


FACEBOOK