Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadda
Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka
Aas-aasida Guddiga Gaadiidka Cirka kaas oo shaqooyin muhiim ah ka qabanaya
Hawlaha horumarinta Duulimaadyada kala duwan ee dalka yimaada kana baxa.
Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka socday
Hay’adaha Duulista rayidka, socdaalka, Booliiska iyo Shirkadda Favori.
Guddigaan oo muhiimad weyn u leh hormarinta Adeegyada
Duulimaadka Soomaaliya ayaa waxa uu fududayn doonaa wada shaqaynta ka dhaxaysa
Hay’addaha ka howlgala Airport-yada Dalka, si looga baaqsado caqabadaha ay ka
midka yihiin khatarta ka imaan karta xaga Amniga iyo dib u dhaca ku imaan kara
wakhtiga ay rakaabku ka duulayaan Garoomada.
Wasiirka Gaadiidka Iyo duulista Hawadda ayaa sheegay in
gudigaan muhiim weyn uu ugu fadhiyo Wasaaradda Gaadiidka, isagoo intaas ku
daray in hawlo badan ay horyaalaa masuuluyiinta Guddiga, iyadoo gabogabdii
shirka shahaadooyin lagu gudoon siiyay xubnaha guddiga taas oo muujinaysa
tababarka ay dhamaysteen.
Leave a comment