Kulan Lagu Sameeynayay Guddiga Gaadiidka Cirka Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Saturday February 26, 2022 - 21:35:39
0 Comments
457
MUQDISHO

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa maanta shir gudoomiyay Shirka Aas-aasida Guddiga Gaadiidka Cirka kaas oo shaqooyin muhiim ah ka qabanaya Hawlaha horumarinta Duulimaadyada kala duwan ee dalka yimaada kana baxa.

Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalay Saraakiil ka socday Hay’adaha Duulista rayidka, socdaalka, Booliiska iyo Shirkadda Favori.

Guddigaan oo muhiimad weyn u leh hormarinta Adeegyada Duulimaadka Soomaaliya ayaa waxa uu fududayn doonaa wada shaqaynta ka dhaxaysa Hay’addaha ka howlgala Airport-yada Dalka, si looga baaqsado caqabadaha ay ka midka yihiin khatarta ka imaan karta xaga Amniga iyo dib u dhaca ku imaan kara wakhtiga ay rakaabku ka duulayaan Garoomada.

Wasiirka Gaadiidka Iyo duulista Hawadda ayaa sheegay in gudigaan muhiim weyn uu ugu fadhiyo Wasaaradda Gaadiidka, isagoo intaas ku daray in hawlo badan ay horyaalaa masuuluyiinta Guddiga, iyadoo gabogabdii shirka shahaadooyin lagu gudoon siiyay xubnaha guddiga taas oo muujinaysa tababarka ay dhamaysteen.

 Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment