Afhayeenka Xukuumada Federalka Oo Loo Doortay Xildhibaan Kamid Ah Baarlamaanka 11-aad (dhagayso)

Sunday February 27, 2022 - 13:36:15
0 Comments
389
BALADWEYNE

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee federaalka Soomaaliya ayaa ka socota magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana xildhibaanadii la doortay kamid ahaa kursigii labaad ee doorashadiisa halkaasi ka dhacday.


Kaas oo tirsigiisu yahay HOP#068waxaa kusoo baxay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ,kaddib markii tartanka doorashada uga tanaasulay musharaxii la tartamayay.


Doorashada ayaa ahayd mid ka dhacday Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ee maamulka Hirshabeelle, iyadoo la qabtay doorashada 6- kursi oo ka mid ah 25-ka kursi ee deegaan doorashadooda ay tahay magaaladaas.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment