Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Oo Kulan La Qaatay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Kalluumaysiga Dowladda Federaalka Iyo Saraakiil Ka Socday Bangiga Aduunka

Sunday February 27, 2022 - 21:08:34
0 Comments
386
GAROOWE

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta qaabilay Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka socday Bangiga Adduunka (World Bank).


Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha Kalluumaysatada Puntland iyo qorshaynta mashruuc 50 milyan oo doollar ku kacaya oo markii ugu horreysay Bangiga Adduunku si toos ah ugu taageerayo Soomaaliya.


Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumaysiga Puntland iyo Saraakiil kale.

MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment