Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose KGS Oo Xilkii ka Qaaday Maamulkii Hore Magalaada Baydhabo Mid Cusub Magacaabay.

Monday February 28, 2022 - 13:33:27
0 Comments
368
BAYDHABO

Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, isaga oo Maamul Cusub Magacaabay.


Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa lagu yiri” Markuu arkay baahida loo qabo in guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen loo Magacaabo Magaalada Baydhabo, sidoo kalena uu dhageystay talo soo jeedinta Guddoomiyaha Gobolka Baay uu sameeyay Wasiirka Magacaabistaan oo ah.


Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay, halka Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali.


Waxaa Sidoo kale loo magacaabay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Ibraahim Nuur.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment