Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed Oo Shaaciyay Jadwalka 6-Kamid Ah kuraasta Doorashada KGS

Monday February 28, 2022 - 14:14:27
0 Comments
329
BAYDHABO

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay jadwalka doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, kuwaas oo guddiga horay u shaaciyay in la qabanayo doorashadooda.


Qoraal ay soo sareeyn Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 1-da Bisha Maarso oo Beri ah la bilaabi doono tababarka Ergada doorashada lana shaacin doono Guddiyada Ergooyinka.


Guddiga ayaa sidokale sheegay in maalinta talaadada ah la diiwaangalen doono musharaxiinta lixda kursi, halaka maalinta khamiista ah taarikhduna ay tahay 3- Maarso la qaban doono doorashada lixda kursi oo kala ah.

1: HOP275

2: HOP230

3:-HOP183

4: HOP178

5: HOP050

6: HOP253

 

Related Items


Leave a comment