Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Oo Todobaadkan Shir Gudoomiyay Golaha Wasiirada Jubbaland

0
Thursday October 14, 2021 - 14:02:59 in Wararka by Ahmed Rajaa
  • Visits: 9
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Oo Todobaadkan Shir Gudoomiyay Golaha Wasiirada Jubbaland

    KISMAAYO

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KISMAAYO

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixisay dadaalada wax lagaga qabanayo abaaraha ka jira qeybo badan oo kamid ah Jubaland, iyadoo wasaaradu ay sharaxaad ka bixisay qorshayaasha ay u dajisay gurmadka loo samaynayo dadka abaaraha ay sameeysay.


Wasaaradda Xanaanada xoolaha ayaa tilmaantay in xoolo ku dhow 3,000-oo neef ay ku nafwayeen abaarta iyo xanuuno aan la garanaynin oo ka jira deegaano hoos yimaada jubbaland.

Wasaaradda qorshaynta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo howlaha lagu samaynayo biyo xireeno iyo howlo lagaga hortagayo fatahaadaha uu sameeyo wabiga Jubba.

Gaba-Gabadii Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa sheegtay in dhawaan la bilaabayo mashruux shaqo abuur loogu samaynayo dadka uu sameeyay ayaxa ku habsaday qeybo kamid ah Jubaland, iyadoo qeybta ugu horaysa lagu bilaabayo 17,000-oo qoys si hordhac ah.

Meeraysane.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


FACEBOOK