Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Daah-Furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare Ee Puntland.

Monday February 28, 2022 - 22:15:00
0 Comments
389
GAROOWE

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Manhajka Waxbarashada Dugsiyada Sare ee deegaannada Puntland.

Manhajkan oo muddo howshiisu socotay waxaa soo diyaarintiisa iska kaashaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland , Barayaasha dugsiyada sare iyo Madbacadaha Midoobay.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay in dhamaystirka Manhajkan dugsiyada sare uu tusaale cad u yahay inaynu wax qabsan karno, taasoo muujisay horumarka laga gaaray Waxbarashada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Puntland, barayaasha Dugsiyada Sare iyo Madbacadaha Midoobay ee Puntland Shaqada wanaagsan ee ay qabteen ee diyaarinta manhajkan.

Ugu dambayn Mudane Axmed Cilmi ayaa faray masuuliyiinta Wasaaradda inay dedejiyaan dhaqan gelinta manhajkan cusub.

 Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment