Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Oo Soo Xiray Shirka Wadatashiga Waxbarashada Dalka (dhagayso)

Wednesday March 02, 2022 - 14:21:03
0 Comments
379
MUQDISHO

Wasiirka Waxbarasha, Hiddaha iyo Tacliinta sare XfS, Mudane. Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga Waxbarashada iyo Diyaarinta qorshaha Waxbarashadda ee Shanta sano ee soo socota.


Shirkaas ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaarada Wwaxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare , Dowladda Federaalka, mudane Mohamed Abbi Hassan iyo agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada, Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan iyo la taliyeyaasha Sare ee Wasaaradaha Waxbarashada.


Wasiirka Waxbarashadda ayaa ku amaaney khubarada Soomaaliyeed ee kasoo shaqeeyey diyaarinta qorshahan kaalintooda naf hurnimo, asiga oo uga mahad celiyay qof kasta doorka uu ku lahaay diyaarinta qorshah Waxbarashada dalka kuwaasi oo isagu jiray, Khubaro Soomaaliyeed, Shaqaalaha Wasaaradda, Ururuada Waxbarashadda, Bahwadaagta Caalamiga ah ee taageera waxbarashadda Soomaaliya iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ee ku biiriyayay aragtiyada Saliimka ah.


Diyaarinta qorshahaan ayaa soo socday Janaayo 2021, ilaa feebaraayo 2022, iyadoona la-tashiyo kala duwan lagala sameeyay Dowlada goboleedyada dalka iyo guud ahaan bahd Waxbarashadda, islamarkaasna lasoo bandhigi doono dhamaadka bisha Maarso ee Sanadkaan.


 

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment