Gudiga Doorashada Hirshabelle Ayaa Shaaciyay 11-kursi Oo Degaan Doorashadooda Tahay Magaalada Baladweyne

Wednesday March 02, 2022 - 14:38:03
0 Comments
416
BALADWEYNE

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada 11 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.


Qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa lagu shaaciyay in doorashada 11-kan kursi magaalada Beledweyne ka dhaceyso 9-ka bishan Marso, iyadoona kurastaas doorashadooda tahay mid ka xamaasad badan kuwii hore.


Kuraasta doorashadooda la shaaciyay ayaa u badan kuwa ay leeyihiin beelaha degan magaalada Beledweyne gaar ahaan Xawaadle iyo Gaaljecel, kuwaa oo doorashadooda dib loo dhigay si looga fogaado khalalaase magaalada ka dhaca.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment