Ciiidan Beeleed Ku Sugan Gaalkacyo Oo Ku Hanjabay In Aysan Doorasho ka Dhici Dooni Magaalada Gaalkacyo,

Thursday March 03, 2022 - 14:38:41
0 Comments
347
GALKACYO

 

Ciiidan beeleed ku sugan Gaalkacyo ayaa ku hanjabay in aysan doorasho ka dhicidooni magaalada Gaalkacyo, Kadib markii laga reebay taliyhii hore ee ciiddanka xoogga, Daahir Indho-qarshe.


Ciiddankaas ayaa isku aruursaday duleedka Gaalkacyo iyagoona tilmaamay inay la wareegi doonaan goobta doorashada, haddii uusan madaxweynaha Galmudug ka laaban go’aanka uu kursiga beeshooda kaga dhigay Qoondada dumarka.


Saraakiisha ciiddankan waxay sheegeen in dulmi lagula dhaqmay Indha-qarshe, iyagoo intaasi ku daray in beeshiisu ay siisay kursiga, balse uu madaxweynaha Galmudug kursiga uu ka dhigay qoondo dumar si uu caddaadiska beesha caalamka isaga yareeyo.


Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu tago magaalada Gaalkacyo si uu xal uga gaaro arrimaha doorashada oo laga cabsi qabo in goobta doorashada ay weeraradaan maleyshiyaad ka caraysan in kuraasta beelahooda la boobay.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment