Guddiga Xaqiijinta Xaaladda Deegaan Doorashada 2-aad Ee Jubbaland Oo La Kulmay Madaxweynaha Jubbaland

Saturday March 05, 2022 - 13:34:02
0 Comments
308
KISMAAYO

Guddiga xaqiijinta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa xalay la kulmay madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.


Madaxweynaha Jubbaland iyo guddiga ayaa isla gorfeeyay caqabadaha ku xeeran in gobolka Gedo lagu qabto doorasho iyo sida xal looga gaari karo.


Sidoo kale, Guddiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynen ku-xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan, xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo siyaasiyiin reer Jubaland ah.


Iyagoo kala xaajoonayay arrinta deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, islamarkaasna ka dhageystay aragtiyahooda ku aaddan maareynta iyo habka ugu fudud ee ay ku dhici karto doorashadaasi.


Sikastaba hanoqotee Gudiga ayaa la filayaa inay tagaan magaalada Garbahaarreey, si ay u dhageystaan aragtiyaha dadka deegaanka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada xildhibaanada golaha shacabka.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment