Qaar Kamid Ah Kuraasta Deegaan Doorashadoodu Tahay Magaalada Bosaaso oo Ladoortay

Saturday March 05, 2022 - 13:51:21
0 Comments
332
BOSAASO

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa maanta lagu doortay qaar kamid ah Kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Magaaladaas, iyadoo aad loo adkeeyay amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso.


Kursi 1-aad oo tirsigiisu yahay HOP#157, waxaa ku guuleystay Maxamuud Axmed Aadan (Geesood), waxaana kursigaas kula tartamayay Iidle Cali Axmed.


Kursiga xigay ee HOP#227,ayaa dib loogu doortay Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi) wuxuuna kaga guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Boosaaso Muna Cali Mire Cartan.


Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud (Ameeriko) Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah oo 99-cod ah kaga guuleystay KursigaHOP #273 musharaxii la tartameysay ee Sahro Maxamed Maxamuud Cali.


Sidoo kale, Marwo Cabdi Bashiir Xaaji Cali ayaa ku soo baxday kursiga tirsigiisu yahay HOP#234Kaddib markii ay tanaasushay Aamina C/wali Maxamed.


Xildhibaan Muuse Axmed Ismaaciil ayaa markale dib loo doortay, isagoo 101 codad gacan-taag ah ugu guuleystay kursiga tirsigiisu yahayHOP#076 kaddib markii Doorashada ka tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil.


Cali Mahdi Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#169, wuxuu helay 97 cod, waxaa kula tartantay Xafsa Cali Axmed.


Xildhibaan Maxamed Bashiir Cali oo helay 95 cod oo gacan-taag ah ayaa ku guuleystay HOP#083kaddib markii ay tanaasushay Aamina Maxamed Ciise.


Cali Xaaji Daahir Saleebaan ayaa ku soo baxay HOP#220, wuxuuna cod gacan taag ah ku helay 101 cod, ka dib markii uu tanaasulay Axmed Burhaan Cumar.


Xildhibaan Faysal Axmed Maxamuud ayaa ku guuleystay HOP#149 , isagoo cod gacan taag ah ku helay 101 cod, waxaa kula tartantay Faaisa Cabdixakiim Maxamed.

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment