Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Iyo Wefdi Uu Hogaaminayo Oo Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar.

Saturday March 05, 2022 - 14:09:12
0 Comments
322
MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo oo labo maalmood ah ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Amiirka Dowladda Qadar Mudane Tamim bin Hamad Al Thani ayaa halkaas ku yeelan doona wada hadallo ku saabsan xoojinta xiriirka soojireenka ah ee labada dal.


Iyadoo La filaayo in la iskula soo qaado horumarinta iskaashiga ku qotoma is-ixtiraamka, wada shaqaynta labada dowladood iyo horumarinta danaha qaran ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment