Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Oo Kulan Wada Hadallo Muhiim Ah La Yeeshay Amiirka Dalka Qatar.

Sunday March 06, 2022 - 21:17:01
0 Comments
346
DOXA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Dalka Qatar ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.


Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.


Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.


Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna, iyada oo mudnaan siin doonto gurmadka degdegga ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhallinyarada Soomaaliyeed, xalna u noqonaya abaaraha soo laalaabtay ee ka jira soomaaliya.


WafdigaMadaxweynaha Jamhuuriyadda soomaaliya waxaa ka mid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullahi Ciise iyo danjiraha soomaaliya u fadhiya dalka Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali Taano, iyagoo u mahad-celiyey Amiirka dalka qadar iyo Golahiisa soo dhaweynta wanaagsan, iyo doorkooda dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka soomaaliya.







Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment