Kooxo Hubeesan Oo Dil Iyo Dhac Ka Geeystay Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Galmudug

Monday March 07, 2022 - 22:26:54
0 Comments
392
DHUUSAMAREEB

Wararka laga helaayo magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay oo ay fuliyeen kooxo katirsan Ahlu Sunna.

Kooxo hubeesan oo la sheegay in ay katirsan yihiin Ururka Ahlu Sunna ayaa dilay labo askari oo katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Gorgor, islamarkaasna waxa ay kooxda dilka geeysatay ka baxsadeen magaalada Dhuusomareeb.

Sida ilo wareedyo ay tilmaamayaan kooxda hubeesan ee dilka geesatay ayaa horey usii qaadatay gaari Cabdi Bille ahaa iyo hubkii ay wateen askarta la dilay, waxa ayna kooxdan u baxsadeen duleedka magaalada Dhuusomareeb  gaar ahaan dhinaca deegaanka Bohol.

Gaariga ay la baxsadeen kooxda hubeesan ayaa la sheegay in horey u lahaayeen hoggaanka Ahlu sunna balse dagaal looga qabsaday, iyadoo weerarkan u muuqday mid qorsheesan oo ay fuliyeen kooxo katirsan Ahlu Sunna.

afhayeen u hadlay maamulkaasi Ahlu Sunna ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagaxiso, islamarkaasna tilmaamay in ay socdaan howlgalo lagu baacsanayo kooxdii hubeesneed ee dilka geesatay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment