Maalinta Caalamiga Ah Ee Haweenka 8-da March Oo Laga Xusaayo Aduunka.

Tuesday March 08, 2022 - 13:56:27
0 Comments
439
MARSO

Maanta ayaa inta badan dunida waxaa laga Xusayaa 8-da March ama maarso iyadoo dabaaldegyo waaweeyn oo lagu xusayo sanad kasta munaasabadda 8-dda Maarso dunida oo dhan.

Waa maalin sida la sheegay xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha urur iyo kaalintii ay haweenku ka qaateen ka qeybgalka arrimaha bulshada ,dhaqaalaha ,siyaasadda iyo guud ahaan  horumarada xoogan ee ka jira dunida.

Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sinnaanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badqabka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka, waxa ay soo ifbaxeen dhaamaadkii qarnigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub.


Arintasi ayaa dhalisay in la xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin dumarka in la siiyo maalin u gaar ah, iyadoona sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso in loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment