Madaxweynaha & R/Wasaaraha Oo Xalay Kulan Ka Yeeshay Siyaasada Dalka

Thursday October 21, 2021 - 13:42:11
0 Comments
25
Ahmed Rajaa
Muqdisho

Xalay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kulan ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, kaasi oo ahaa mid hordhac iyo is-wareysi ah, wuxuuna uu ku yimid dadaalo kala duwan oo uu sameeyay Madaxweynaha KGS Cabdicaiis Lafta-gareen.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xallinta khilaafka siyaasadeed Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

ilo ku dhaw dhaw labada dhinac ayaa laga soo xigtay in Kulankii xalay laga gaaray isu soo dhowaansho islamarkaana lagu ballamay in Caawa Kulan kale la isu’gu yimaado si loo dhammaystiro Arrimihii laga wada-hadlay.

khilaafka madaxda dalka ugu sareeysa ayaa keenay jahwareer siyaasadeed oo sameeyay guud ahaan dalka, iyadoo ay inta badan shacabka soomaaliyeed ka raja dhigeen hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Meeraysane.com



Related Items


Leave a comment