Afartii Kursi ee Aqalka Sare Jubbaland Uga Harsaneyd Senator-ada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gaba-gaboobay

Thursday October 21, 2021 - 14:07:09
0 Comments
21
Ahmed Rajaa
KISMAAYO

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta oo khamiis ah lagu qabtay doorashada Afarta Kursi ee jubbaland uga harsaneyd Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

iyadoo ay u sharaxnayeen sideed musharax oo ku tartamay doorashada senatorada Aqalka Sare, iyagoo dalbaday in mid kasta codka loogu shubo.
Kursigii ugu horreeya ayaa waxaa ku tartamay Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Senator Xasan Daahir Yarow, oo helay 59-Cod.

halka Kursiga labaad ee Aqalka Sare ay ku tartamay Ibraahim Awgaab Cismaan iyo Farxiyo Macalinta Cabdi, waxaan kursiga Aqalka Sars kusoo baxay Ibraahim Awgaab Cismaan oo helay 57-Cod.

Kursiga Sedexaad ee doorashada Aqalka Sare waxaa ku tartamay leyla Nuur Maax iyo Xareedo Maxamed, waxaana kursiga ku guuleysatay leylo Nuur Maax oo heshay 63-Cod.

Kursiga ugu dambeeya ee doorashada Aqalka Sare ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay Maryan Faarax Kadiye iyo Samsam Maxamed Bishaar, waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleysatay Maryan Faarax Kadiye oo heshay 50 Cod.

Sidaasi waxaa ku soo dhamaaday 4-tii Kursi ee ka harsanayd doorashada Aqalka sare ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment