Wasiirka Arimaha Dibeda XFS Oo Ka Qayb-Galaya Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda Dalalka jaamacadda Carabta

Tuesday March 08, 2022 - 14:16:45
0 Comments
426
QAHIRA

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar iyagoo ka qayb gelaya meertada 157-Aad ee shirka Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka jaamacadda Carabta oo ka dhacaya Qaahira.


Inta uu socdo Shirkaas ayaa wufuudda joogtada ah waxa ay ka doodi doonaan ajandaha qabyo qoraalka ah ee shirka Wasiirada, oo ka kooban 11 qodob kuwaas oo saabsan arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, amniga, maaliyadda iyo maamulka.


Sidoo kale waxa la dhegaysan doonaa warbixinta xoghayaha Guud shirka, intii u dhaxaysay labadii kalfadhi ee ugu dambeeyay oo ay yeshaan Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka jaamacadda Carabta.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment