Saan Saan Coladeed Oo Ka Taagan Degmada Garbahaareey Ee Gobolka Gedo.

Tuesday March 08, 2022 - 14:40:18
0 Comments
361
GARBAHAREEY

Waxaa fashilmay shir ka socday gudaha Magaalada Garbahaarey gaar’ahaan xerada Ciidamada howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Magaaladaas, Saraakiisha Ciidamada AMISOM, Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas iyo Maamulka degmada Garbaaharey.


Taliska AMISOM Saraakiishooda ugu sarreysa ayaa la sheegay in ay isku dayeen in Magaalada ay geeyaan Guddiga Qiimeynta Xaaladda deegaan doorasho ee Garbaaharey oo shalay maamulka degmada u diideen in ay yimaadaan degmadaas, balse wada hadal shalay illaa xalay socday ayaa fashilmay sida la xaqiijiyay.


Sidoo kale, Saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Garbahaarey ayaa arrintaan walaac ka muujiyay, iyagoo tilmaamay in aysan sameyn karin wax aysan Maamulka degmada iyo kan shacabka halkaa ku nool aysan rabin.


Dhinaca kale, maamulka degmada Garbahaarey waxaa ay wadaan qaban qaabada dibadbaxyo ka dhaca degmadas oo ka tirsan Gobolka Gedo, kuwaa oo looga soo horjeedo imaanshaha degmadaas Guddiga Qiimeynta oo uu dhawaan magacaabay RW Rooble.


Wararka ka imaanya degmada Garbahaarey ayaa sheegaya in ay ka taagan tahay degmadaas Xiisad u dhaxeysa Maamulka degmada iyo Saariisha Ciidanka AMISOM ee halkaa ku sugan, kadib markii maamulka degmada ay Ciidamada hubeysan geeyeen Garoonka diyaaradaha degmada, waxaana taalabadaas ka hor-yimid Saraakiisha Ciidamada AMISOM, iyagoo amar ku bixiyay in Ciidamada hubeysan garoonka laga saaro, balse maamulka degmadaas ay ka biyo diideen.


Meeraysane.com

 


Related Items


Leave a comment