Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Tuesday March 08, 2022 - 23:48:01
0 Comments
357
MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo maalmihii la soo dhaafay ay ku joogeen dalka Qatar.


Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa dalkaas waxa uu kala hadlay Amiir Tamiim binu Xamad, dhammaystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalka.


Waxaa kale oo laga hadlay isku socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.


Sidoo kale, Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Madaxweynaha ku weheliyey safarkaas iyo dhiggooda dalka Qadar ayaa wadajir u lafo guray aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada Dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya labada wadan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment