Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo La Kulmay Xoghayaha Guud Ee Jaamacadda Carabta

Wednesday March 09, 2022 - 13:07:50
0 Comments
326
QAHIRA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, iyadoo uu qayb ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta.


Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhowr arrimood oo ay ugu muhiimsanayd siyaabaha ay wadamada carbeed uga taageeri lahaayeen Soomaaliya wax ka qabashada xaaladda daran ee abaaraha ee ka jira dalka iyo sidoo kale doorashooyinka socda.


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo wafdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa manta kaga qeybgali doona Magaalada Qaahira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa caadiga ah ee 157aad.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment