Taliyaha Ciidanka XDS Oo Kulan La Qaatay Sarakiil Ka Tirsan Midowga Yurub

Wednesday March 09, 2022 - 21:13:03
0 Comments
407
MUQDISHO

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa cusub ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya General Viglietta.


Kulanka ayaa looga hadlay adkeynta xariirka wada shaqeyneed iyo iskaashiga Ciidanka Xoogga Dalka iyo howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo hoosta laga xariiqay xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisadda.


Labada mas’uul ayaa isla meel dhigay in la xoojiyo xiriirka labada dhinac iyo sidii loo dardargelin lahaa tabarada la siinayo ciidanka xoogga dlaka.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment