Guddiga Doorashada Heer Federaal Oo Hakiyay Seddex Kuraasta Taala Beladweyne

Wednesday March 09, 2022 - 21:19:07
0 Comments
319
BALADWEYNE

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa hakiyey doorashada kuraasta kala ah: HOP030, HOP010 iyo HOP066, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.


War qoraal ah oo uu soo saaray guddiga ayaa lagu shaaciyay in la hakiyay ilaa iyo saddex kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Beladweyne, kadib markii ay guddiga soo gaartay cabasho ku aadna hannaanka loo maray shaacinta kuraasta kor ku xusan.



MEERAYSANE.COM

Related Items


Leave a comment