Ganacsatada Shidaalka Galkacyo Oo Faah-faahin Ka Bixiyay Cabashada Gadiidleyda

Thursday March 10, 2022 - 15:55:38
0 Comments
343
GALKACYO

Gaadiidleyda ku dhaqan degaanada puntland ayaa ka cabanaya sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.


Iyadoona shidaalka uu sare u kacay qiimihii lagu iibin jiray ayaa waxaa ay keentay gadiidka qaar lacagihii lagu raaci jiray sare loo qaaday.


Sida uu inoo sheegay mid kamid ah ganacsatada shidaalka ee magaalada Galkacyo oo lagu Magacaabo Axmed fuustada naaftada ah ayaa iminka ah $180-dolar halka horayna u ahayd $110-dolar.


Sidoo kale badrolka ama basiinka ayaa Fuustadii maraysa $190-dolar horayna u ahayd $120-dolar arintaas ayaa loo Sababeynayaa Dagaalka u dhexeeya Ukrine iyo Ruushka taas oo keenta isku socodka dunida.


Sikastaba hanoqotee Gadiidleyda ku dhaqan Magaalada Garoowe ee xarunta puntland ayaa Cabanaaya sare u kaca shilaadka, iyadoo inta badan shidaalka uu ka imaan jiray dhinaca dalka Ethopia.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment