R/ Wasaaraha XFS Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Dowladda Mareykanka Ee Soomaaliya

Thursday March 10, 2022 - 16:08:18
0 Comments
396
MUQDISHO

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

 

R/Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, waxaana ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka,

 

Dhinaca kale waxay sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, iyadoo R/Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment