Taliska Police-ka Puntland Maanta Guddiga KMG Doorashooyinka Ee TPEC Ku Wareejiyay Ciidamo Looga Tala-galay Amniga Doorashooyinka 3-Degmo

Saturday October 23, 2021 - 14:01:58
0 Comments
18
Ahmed Rajaa
GAROOWE

Taliska Ciidanka Police-ka Puntland ayaa maanta guddiga KMG doorashooyinka ee TPEC ku wareejiyay ciidamo looga tala-galay sugidda Amniga doorashooyinka 3-degmo.

Ciidankan ayaa sida Taliyuhu sheegay loo carbiyay loona wacyigaliyay ilaalinta Anshaxa, habsami u Socodka iyo amniga doorashada, iyagoo tagi doona 25-ka seejo ee degmada qardho 25-ka Actobar Doorashadu ka dhacayso.

Doorashada golaha deegaanka maamulka Puntland ee Saddex degmo oo kala ah Ufeyn, Eyl iyo Qardho ayaa dhici doontaa 25-bishaan, waana doorashadii ugu horreysay oo Puntland qabto.

Ururo kala duwan ayaa laga sameeyay degaanada dowlad goboleedka Puntland oo ay ku tartami doonaan sidii xisbi walba u hanan lahaa codka bulshada puntland.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment