Madaxweynaha Jubaland Oo Daah-Furay hanaanka Adeeg Da-dajinta Dowlada Hoose Oo Ay Hirgalinayso Wasaarada Arimaha Gudaha Federalaynta

Saturday October 23, 2021 - 14:21:07
0 Comments
25
Ahmed Rajaa
KISMAAYO

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland ayaa daah furay hanaanka Adeeg da-dajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arrimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlad gobaleedka Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaa-dhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah Dowadaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Jubaland ayaa faray Wasaarada arrimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment