Habraaca Doorashada 7-kursi Oo Lagu Qabanaayo Baydhabo

Saturday March 12, 2022 - 14:26:14
0 Comments
328
BAYDHABO

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay habraaca doorashada 7-kursi ee ugu dambeeysa kuraasta gollaha shacabka ee lagu dooranayo deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.


Doorashada kuraastan ayaa guddiga shaaciyeen in la qabanayo 15-ka bishan oo ku beegan maalinta talaadada, waana maalinta ugu dambeesa ee loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.


Kuraastan la shaaciyay habraacooda doorashada ayaa waxaa ku jira kursiga HOP#172 waxaana hada kursigan ku fadhiya Xildhibaan Cali Cadow Maxamuud.

 

Related Items


Leave a comment