Qaar kamid Ah Isimada G/Mudug Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Heshiis ka Gaaray Kuraasta Golaha Barlamaanka 11-aad

Saturday March 12, 2022 - 14:55:56
0 Comments
435
GAROOWE

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Isimada qaar kamid ah beelaha G/mudug ayaa xalay ku kulmay magaalada Garoowe islamarkaasna isfaham ka gaaray laba kursi oo mid ah kuraasta Golaha barlamaanka11-aad.


Intii kulanka uu socday ayaa lagu heshiiyay in tartan furan ay noqdaan Kuraasta kala ah HOP#198 iyoHOP#199 si waafaqsan Habraaca Doorashada dadban ee Golaha Shacabka.


Isimada ayaa Madaxweynaha horay u gudbiyay Go’aankooda ku saabsan in aan cid loo xiri Karin Kuraasta lakiin tartan furan loo galo si loo ilaaliyo dul duleel ku imaada doorashada barlamaanka.


Inta badan doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe ayaa ahay mid kuraasta dad gaar ah loo xiray kuwaas oo ahaa garabka madaxweynaha Puntland Mudane Siciid C/laahi dani


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment