Dab Ka Kacay Mid kamid Ah Warshadaha Isbuunyada Magaalada Bosaaso

Sunday October 24, 2021 - 13:09:15
0 Comments
26
Ahmed Rajaa
BOSAASO

Dab xooggan ayaa qabsaday warshada Isbuunyada Tabaarak ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Sidii lagu damin lahaa dabkan ayaa socda magaalada Bosaaso, iyadoo goobta gaar gaadiidka dabdamiska iyo Ciidammada Amniga oo ka qeyb-qaadanaya daminta dabkan. 

Lama Shaacinin waxa sababay dabkan ka kacay warshadaas isbuunyada, Dhawaan ayeey ahayd Markii sidan oo kale dab uu ka kacay warshada isbuunyada tabaarak Xarunteeda Magaalada Garoowe.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment