Khasaarihii Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ka Dhashay Dagaaladii Deg/ Guriceel Oo Kor U Sii Kacaya

Sunday October 24, 2021 - 13:26:41
0 Comments
24
Ahmed Rajaa
GURICEEL

Dagaaladii Shalay, Xalay ilaa maanta Ka dhacayay deg/ Guriceel ayaa sii kordhaya khasaarihii dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo ururka Ahlusunna.

Mashaqadii ka dhacday Guriceel maanta waxaa ku dhintay Saraakiil iyo askar ka kala tirsan labada dhinac, waxaana kamid ahaa Taliyihii Ciidanka Nabadsugida Garoonka Guriceel Cabduqaadir Maxamed Diiriye iyo askar kale.

Sidoo kale Madaafiic ayaa ku dhacday Isbitaalka Istarliin ee degmadda Guriceel, taas oo sababtay in Shaqaalaha Isbitaalka ay isaga Cararaan.
Weli waxaa la tilmaamayaa in uu gurmad jiro labada dhinac islamarkaasna Hubka la isku Aruursanaayo.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment