Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Ansixiyay Miisaaniyad KMG Ah Ee Sanadkan

Sunday March 13, 2022 - 21:06:45
0 Comments
412
MUQDISHO

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta waxaa shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaana lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan $ 206,474,223, taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.


Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay leedahay dalka.


iyadoo goluhu wasiirada si buuxda leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin.


Shirka Golah Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira.


Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment