Wafdi Ka Socda Qaramada Midooobe Oo Maanta Kulan Kula Qaatay Garoowe Madaxweynaha Puntland (SAWIRRO)

Sunday March 13, 2022 - 22:23:11
0 Comments
353
GAROOWE

Waxaa manta Booqasho ku yimid magaalada Garoowe wafdi ay hogaaminayso kuxigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobe u qaabilsan soomaaliya marwo Anita kiki gbeho iyo xubno ay ka mid yihiin midowga yurub iyo midowga Africa iyo weliba xubno IGAD ah.


Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada ayaa ku qaabilay, madaxtooyada Puntland ee garoowe .


Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya gaar’ahaan doorashooyinka dalka ka jira iyo Abaaraha ka taagan dalka, iyadoo kulanka ay ka qeyb-galeen Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.


Isku soo duu duub markii kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta kula hadlay Madaxweyne Deni iyo Anita Kiki Gbeho xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garowe, iyagoona ka warbixiyay qodobadii kulanka lagu soo qaaday.






Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment