Guddiga Doorashada Dowlad Goboleed Puntland Oo Shaaciyey Jadwalka Qabashada Doorashada Kuraastii U Danbeysay

Tuesday March 15, 2022 - 21:38:37
0 Comments
358
GAROOWE

Guddiga maamulka Doorashada heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa shaaciyey Jadwalka Qabashada Doorashada 6-dii kursi ee ugu danbeysa xubnaha Golaha Shacabka ee Puntland ku metalaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga doorashadda heer dowlad Goboleedka ee Puntland ayaa lagu sheegay in 18-ka bishaan Maarso la qabanayo doorashadda kuraasta ugu dambeysa ee laga soo dooranaayo Puntland kuwaas oo ah lix kursi. 15-ka maarso oo maanta ku beegan ayey ku eked waqtigii loo jadwaleeyey in lagu soo afmeero doorashadda xildhibaanada golaha shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Related Items


Leave a comment