R/Wasaaraha Qaabilay Ergayga Gaarka Ah Ee Hay'ada UNHCR U Qaabilsan Geeska Afrika

Sunday October 24, 2021 - 14:29:03
0 Comments
19
Ahmed Rajaa
Muqdisho

R/ Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

R/wasaare Rooble iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gar-gaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iisal wasaaraha u diray hay’adaha gar-gaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay si deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu halakeyeen ee ku nool Jubaland iyo deegaanno kale oo dalka kamid ah. 

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment