Soomaaliya iyo Itoobiya Oo Bilaabay Wada-Hadalo lagu Hormarinayo Ganacsiga Labada Dal

Wednesday March 16, 2022 - 21:17:40
0 Comments
381
Ethopia

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo wasiiru dowlaha ganacsiga iyo isdhexgalka bariga Afrika ee dowladda Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah u daah furay wada-xaajoodyo ganacsi oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.


War-murtiyeedka wadajir ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan bilowga wada-xaajoodyada Horumarinta Ganacsiga:


1.Wasiirradu waxaa ay isla garteen muhiimadda ay wada-hadalladan u leeyihiin shaqo abuurka iyo maalgashiga dhinacyada ganacsiga iyo warshadaha labada dal, waxayna go’aansadeen in la bilaabo wadatashiyo ku aaddan xoojinta xiriirka Ganacsi.


2.Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ay bilaabayaan wada-xaajood ku saabsan yagleelidda heshiiska ganacsiyada isaga kala goosha xuduudaha iyada oo ujeedadu tahay in la fududeeyo badeecooyinka muwaadiniinta labada dal iyo in la yareeyo ganacsiga aan rasmiga ahayn ee xuduudaha.


3.Labada wasaaradood waxaa kale oo ay ka wada hadleen oo ay heshiis ku gaareen inay ka wada hadlaan kadibna ay kala saxeexdaan heshiis ganacsi oo laba geesood ah kaas oo kaabaya dadaallada isdhexgalka gobolka iyo Afrika oo ay ka mid yihiin suuqa Iskaashiga Ganacsiga ee Bariga & Koofurta Afrika ee COMESA iyo aagga Ganacsiga xorta ah ee Afrika (AfCFTA).


4.Labada Wasiir waxaa ay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ganacsi oo isku dhaf ah oo fududeeya shuruudo lagu sii xoojinayo xiriirka ganacsi ee labada dal iyo kordhinta mugga ganacsiga.


5.Wasiirradu waxaa ay isla asteeyeen hawlaha mudnaanta leh ee kor u qaadaya isku xirka ganacsiga & dhiirrigelinta isdhaafsiga ganacsi ee labada dal. Sidaa awgeed, wasiirradu waxay isku raaceen in la fududeeyo abaabulka golayaasha ganacsiga, isdhaafsiga khubarada iyo barnaamijyada khibrad-wadaagga.


6.Laba dhinac waxaa ka go’an natiijo guulaysata oo ka dhigaysa shaqaalaha, beeralayda, iyo ganacsatada labada wadanba kuwo barwaaqooba.


Ugu danbeyn, Mudane Khaliif Cabdi ayaa ku casuumay dhiggiisa Itoobiya Mudane Denge Boru iyo Wafdigiisa inay booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee walaalaha ah.


Xigasho Wakaalada wararka somaaliya

 

Related Items


Leave a comment