Wasiirka Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Ee XFS Oo Kulan La Qaatay Safiirka Soomaaliya U Fadhiya Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wednesday March 16, 2022 - 21:31:59
0 Comments
345
MUQDISHO

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Cumar Cali Rooble iyo Safiirka u fadhiya dalkeena Dowladda boqortooyada Sacuudi Carabiya Amb. Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad ayaa maanta yeeshay kulan is xogwareysi ah.


Intii lagu guda jiray kulanka wasiirka ayaa si qotodheer u dul istaagay taariikhda walaalnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeysa labada dowladood iyo labada shacab, joogitaanka Safiirka ee muqdishana ay muhiimad weyn u leedahay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.


Wasiirka ayaa dowladda iyo shacabka Boqortooyadda Sacuudiga Carabiya uga mahaceliyay taageeradooda ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo tan gargaarka ee ay marwaliba lagarab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoona codsaday in ay sare u qaadaan kaalmadooda maadaama dalka ay ka jirto abaar daran, sidoo kalena ay fooda nagu soo heyso bishii barakeysand ee Ramadaan.


Safiirka ayaa Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ku amaanay sida ay uga go’an tahay dib uga soo kabashada dhibaatooyinkii kasoo gaaray burburkii dowladnimada Soomaaliya.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment