Dowlada Shiinaha Oo Gaadiid Milateri Ugu Deeqday Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Federalka Somalia (SAWIRRO)

Friday March 18, 2022 - 21:35:55
0 Comments
394
MUQDISHO PORT

Dowlada Shiinaha ayaa maanta gaadiid Milateri oo noocyo kala duwan leh ku wareejisay wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Somalia.


Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Soomaliya, Wasiirro, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya iyo xubno kale ayaa maanta ka qeyb galay xaflad arrintaas ku saabsan oo lagu qabtay Dekada Muqdisho.


Wasiirka Gaashaandhiga Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa dowlada Shiinaha uga mahad celiyey gaadiidka ciidanka ee ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka.


"Dowladda Shiinaha waxaa naga dhaxeeya xiriir qoto-dheer, waana kaga mahadcelineynaa garab istaaga ay u sameeyeen ciidanka xoogga” ayuu yiri wasiirka.


Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen.Odowaa Yuusuf Raage ayaa isna munaasabada ka sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyey uu ku soo aaday xili si weyn loogu baahnaa.


Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidanka qalabka Sida oo uu ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadka loo xilsaaray.




Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment